dulmiga biyaha: qabsashada emaaraadka iyo israel ee jaziirada suqadhra
loolanka jaziirada muhiimka ah ee suqadhra-yemen oo eey israel iyo imaaraadka doonayaan in ey ka dhigaan hoyga sirdoon milatari ayaa walaac weeyn ku abuurtay dhaqdhaqaaqa ansarallah iyo xulafadooda, iyagoo ka cabsi qaba in taasi ey kor usii qaado hardanka juqraafi siyaasaseed ee yemen.
![]() |
| photo credit: the cradle |
jaziirada suqadhra oo ku taala koonfurta badda yemen ee jaziirada carbeed ayaa soo jiidaneysa indhaha iyo masaalixda caalamka maaadaama ey ku taalo mid kamid ah marinada ugu mashquulka badan ee shixnadaha caalamka.
bishii june 21, 2020 waxaa jaziirada yemen awood milatari kula wareegay taxaalufka sacuudiga iyo imaaraadka- kuwaasi oo siyaasad ku dhisan ku takrifalid iyo awood kula wareegayay dekedaha galbeedka aasiya iyo geeska afrika tan iyo 1991 dii.
marinadan isku tagtagy ayaa ka kooban afar jaziirad oo waaweyn oo kala ah socorta (3, 796 km square), abd al kuri (130.2 km s), samhah ( 39.6 km2), darsah (7.5 km2), iyo sedex jaziirad oo yaryar.
suqadhra oo ah jaziirada ugu weeyn waxa ey 350 km u jirtaa koonfurta jaziirada carbeed, 95 km u jirtaa somalia, waxaa afarta dhinac kaga hareeysan gacanka cadmeed, badweynta india, jaziirada carbeed iyo geeska africa oo ey kaga wajahantahay dhanka koonfurta, jaziiradan waxaa ka gudba 20,000 oo maraakiib shixnada sida sanad kasta iyo 9 percent oo kamid ah dhoofinta shidaalka dunida oo idil.
dagaalka yemen
weeraraka yemen waxaa la iclaamiyay 26 dii maarso, 2015 oo uu washighnton DC kaka dhawaaqay safiirka sacuudiga ee mareynkanka caadil aj jubeyr, waxa uu sheegay in taxaaluf ka kooban 10 wadan oo ey hogaaminayaan sacuudiga iyo imaaradka qaadi doonan talaabo milatari si xukunka yemen dib loogu soo celiyo gacanta madaxweynaha yemen ee cabdi rabi masuur haadi.
haadi waxaa xukunka looga tuuray kacdoon shacab 2014 tii kadib markii ey gacntiisa ka baxday caasimada sanca oo ey qabsadeen dhaqdhaqaaqii ansarallah iyo xulufoodoodi milatariga yemen, ansarallah oo ey waqooyiga yemen saldhig u aheyd waxa ey u olaleeynayeen sinaan siyaasadeed ee dowlada yemen waqti dheer.
iyada oo uu maraykanka gadaal ka riixayay waxa ey sacuudiga bilaabeen howlgal ey ugu magac dareen " operation decisive storm.". waxaana markiiba bilaawday duqeymo cirka ah. iyada oo uu qorshaha ahaa in howlgalka uu kaliya socodo isbuucyo ama bilo sida uu afkiisa ka cadeeyay dhaxal sugaha sacuudiga mohamed bin salmaan, " kaliya maalmo kooban" - dagaalka yemen ayaa hada sii galaya sandkiisi sideedaad iyadoo dhmaan ey is badaleen ajendayaashi taxaalufku ku dhawaaqay markii hore.
labo sano markii uu dagaalka socday imaaraadka waxa ey bilaabeen in eey ka fuliyaan yemen qorshahooda qarsoodiga ah oo ey ku doonayaan in ey ku dhisaan 'boqortooyo badeed' iyaga gaar u ah, taas oo ka duwaneyd qorshahii sacuudiga ku yimid yemen, si ey u gaaraan hadafkaasi, imaaraadka waxa ay bilaabeen in ey ku dhaqaaqaan la wareegida xeebaha koonfurta yemen iyo dakadaheeda iyaga oo kaashanaya wakiilo la magac baxay dhaqdhaqaaqa koonfureed.
dhaqdhaqaaqa koonfureed waxaa aas aasay kooxo iyo qabaailo gooni u goosad ah, oo raadinayay in loo kala qeybsamo sidii ey yemen ahaan jirtay sanadihii 1967-1990. si kastaba ha ahaatee, waxaa qasab noqotay in xoogaasi si loo waafajiyo ajandeyaasha imaaraadka in magaca laga badelo oo loo bixiyo golaha ku meel gaarka ee koonfureed ( STC).
![]() |
| map ka dekedaha koonfurta yemen ee imaaradka maamulo |
muhiimada ey leedahay suqadhra
suqadhra wali waxa ey dhacdaa dhulka sharciyada ee xukuumadii xukunka laga tuuray ee cabdi rabi mansuur haadi, inkasto oo eysan xukuumadaasi joogin muuqaal ahaan isla markaana lagu bedelay " 8 xubnood oo ku meel gaar ah" oo sacuudiga sameeyay looguna magac daray golaha madaxweeynayaasha ( PLC)- oo wali caalamka u aqoonsanyahay xukuumada yemen ee sharciga ah.
si kastaba, april 30, 2018 kii, waxa uu imaaraadka ku daabulay jaziirada suqadhra hub iyo gaadiid dagaal isaga oo aan wax la tashi ah kala yeelan madaxda yemen.
xukuumada yemen ee uu sacuudiga taagero ayaa cambaareeysay dhacdadaasi gabood falka ah. iyada oo taagero ka heleyso dadka degan jaziirada oo ka cabsi qaba in xoogag kale ey ka maquuniyaan degaankooda. sacuudiga waxa uu ku qasbanaaday in uu xaalada farageliyo isagoo u diray ciidamo sidoo kalena tababar u bilaabay dadka degaanka si eey uga hor istaagaan in imaaraad la wareego jaziiradooda.
balse isla sanadkaas dhamaadkiisi waxaa jaziirada ka dagay generaal imaaraati ah oo lagu magaacbo khalfan al-mazraawi kaasi oo la wareegay dhamaan xukunka jaziirada si qarsoon. hogaamintiisa waxa ey durbadiiba imaaraadka u horseeday in ey kasbadaan kalsoonida dadka jaziirada dagan isagoo u marayay laaluush siin loogu magac daray " kaalmo biniaadanimo. sidoo kale waxa uu suqadhriyiinta u balan qaaday in ey helayaan baasaboorka imaraadka iyo in ey u horseedi doonaan noolal aad u sareeysa.
![]() |
| jeneraal khalfan markii uu suqadhra imanayay 2018 |
golaha ku meel gaarka koonfureed ayaa qabsaday socotra
subaxii 21 june, 2020, kooxaha gooni u goosad doonka ah ee la magac baxay "golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta yemen (STC) oo taageero ka helayay imaraadka ayaa xoog kaga saaray xoogagi haystay jaziirada ee uu sacuudiga taagerayay kuwaas oo taabacsanaa xukuumadii cabdir rabi.
imaaraadka waxa uu qorsheynayay howlgalkaan labo sano isaga oo isticmaalayay kooxdaasi gooni u goosadka ah si uu u maamulo ulana wareego dhamaan xeebaha suqadhra, durbadiiba waxaa goobta laga taagay calanka imaaraadka, isgaarsiintana waxaa la wareegay shirkadaha isgaarsiinta imaaraadka oo ka tuuray kuwii isgaarsiinta ee yemen ey laheyd, hada dhamaan wacitaanada taleefanada suqadhra waxa ey ka diiwaan gashanyihiin shirkadaha isgaarsiinta ee imaaraadka.
heshiiska imaaraadka iyo israel
sedex bilood kadib qabsashada imaaraadka ee suqadhra, israel iyo imaaraadka waxa ey washignton DC ku kala saxiixdeen heshiiska muranka badan ka taaganyahay ee " abraham accords". sidoo kale waxaa saxiixay heshiiskaasi Bahrain, morocco iyo Sudan. dhanka wadamada carabta waxaa hogaaminayay imaaraadka oo durbadiiba dhaqan geliyay heshiiska diploomaasiyadeed, dhaqaaale iyo milatari ee u bilaawday Dubai iyo tele Aviv.
waxayar kadib markii la saxiixay abraham accords waxaa durbadiiba soo if baxay dalxiisayaal israaiil u dhashay oo ku qulqulaya jaziirada suqadhra si ey u booqdaan, balse sida laga soo xigtay jaziirada al mayadeen, dalxiisayaashi ma aheyn dalxiisayaal oo kaliya balse waxa ey ahaayeen khubaro milatari oo israel ka socday.
![]() |
| dalxiise israaiili ah oo suqadhra ku sagan |
jaziirda abd al-kuri
february 2023, xoogaga ansarallah ayaa sii daayay war saxaafadeed ey ku eedeeynayaan imaaraadka oo bilaabay in ey qaxiyaan dadkii daganaa jaziirada abd al-kuri oo ah tan labaad ee ugu weyn xeebaha suqadhra, xoogagan waxa ey sidoo kale ku eedeeyeen imaaraadka in uu wado qorshe dheer oo uu ka damacsanyahay in uu jaziirada suqadhra u bedelo fadhiisimo sirdoon milatari ah oo ey wadaagaan israel iyo imaaraadka.
ficiladan uu imaaraadka wado ma ahan dhacdooyin gooni ah, sidoo kale 2022, waxa eey ansarallah ku eedeeyeen imaaraadka in ey qaxiyeen kaluumestadii jaziirada yar ee perim (13km) iygoo u wareejiyay qeybaha kale ee maamulka ticiz, bilo kadib dhacdadaasi, waxa ey setellite yada qabteen dhismo milatari oo ka socda jaziirada volcanic, hada jaziirada perim waxaa dhamaan laga xaalufiyay dadkii daganaa sida laga soo xiganayo saxaadafa maxaliga ah.
![]() |
| fadhi milatari oo imaaraadku sameynayo jaziirada perim |
taariikh ahaan, waxa ey jaziirada yar ee perim labo biyo marinood u kala qeybisay marinka caalamiga ah ee baabul mandab, cid kasto oo gacanta ku dhigto jaziiradan, waxa ey si fudud u maamuli kartaaa marinka baabul mandab oo isku xira gancsiga assiya, africa iyo Europe. in kasto oo aaney wax cusub aheyn qorshaha imaaraadka ee jaziiradahan, hadana waxaa walaac cusub ku abuurtay wadamada carabta joogista sirdoonka isreal iyo dhismaha xarun milatari oo ey israel ku yeelato jaziiradan muhiimka ah ee yemen.
damaca badeedka ee imaaraadka
dad badan ayaa wax iska weydiiyay waxa ku dhiira galiyay imaaraadka in ey la wareegaan suqadhra, qatarna u horseedaan xiriika ey la leeyihiin sacuudiga iyo dariskooda cumaan. ficiladan imaaraadka ayaa waxaa asal u ah qorshaha istaraatiijiyadeed ee madaxweynaheeda mohamed bin zayed (mbz) ku doonayo in uu ku aas aaso imbaraadhooriyad badeed- ka bilaabata gacanka Persia ilaa iyo bada cas, isagoo doonayo inuu maamulo biyo marinada ugu muhiimsan mandiqada.
ku tiirsanaashaha dhaqaale ee uu imaaraadka ku tiirsanyahay biyo marinadan ayaa dhiira gelin u ah qorshaha madaxweynaha- dib u dhoofinta badeecadaha aan shidaalka aheyn ayaa ah haaf kamid ah isku darka guud ee badeecadaha uu dhoofiyo imaaraadka, sidaasi darteed amaanka xeebaha ayaa kamid ah xisaabaha ugu muhiimsan ee siyaasada arimaha diba imaaraadaka.
imaaraadku waxa uu hada gacanta ku hayaa 12 dekadood oo ku yaala yemen sida CADAN, MAKKHA, MUKALA, BIR ALI, BERHAF, RUDUM, ZOUBAB, AL KHOWKHAH, AL KHUBA, QENA and AL NASHIMA. sidoo kale waxa ey dekad cusub ka dhisayaan al MAHFARA oo qiimo ahaan ku kaceysa $100 miilon.
maamulida xeebahaan iyo marinka baabul mandab waxa ey imaaraadka u sahleysaa in ey gacanta ku dhigaan mid kamid ah marinada ugu mashquulka badan caalamka, taas oo kor u qaadi doonta maqaamkeeda caalmka iyo ganacsigeeda mandiqada, una bedeli doonta imaaraadka awood istaatiijiyadeed oo mug leh.
marka laga soo tago ku takrifalkeeda xeebaha yemen, imaaraadka waxa ey sidoo kale saameyn culus ku leyihiin joogistooda geeska africa, waxa ey maamulaan 2 dekadood oo Eretria ku taala iyo 1 deked oo soomaaliya ku taala, waxay sidoo kale horay dekad ugu laheyd jabuuti- balse markii danbe waxa ey isku bedeshay dagaal dhuleed u dhaxeeya labada wadan. maamulida xeebahaan oo ku yaala meelo istaraatiiji u ah mandiqada ayaa u fududeynaya imaaraadka in ey isku balaariyaan gobalka, saameeyn xoog lehna ku yeeshaan geeska africa.
maxay suqadhra muhiim ugu tahay Israel
israel iyo imaaraadka waxa eey wadaagaan cabsi amaan oo ku wajahan saameynta xoogan eey iiraan ku yeelaneysay gobalka 10 kii sano ee lasoo dhaafay. joogista ciidamada badda ee jamhuuriyada islaamiga ah ee iiraan ayaa aad ugu balaaranayay biyo mareenada, iyadoo sidoo kale sare u qaadeysay dhaqdhaqaqyadeeda biyaha gacanka Persia iyo bada cas taasoo hoonka ku yeerisay labadaan wadan . ka laba labeeynta Washington DC ee sii kordheysa ee ku aadan fulinta faragelin milatari ee galbeedka aasiya ayaa ku qasabtay mohamed bin zayed in uu u janjeersado dhanka quwada ugu weyn ee geeska iyo cadowga iiraan ee Israel si eey ugu fududeeyaan in uu fuliyo qorshahiisa. marka laga reebo Israel, majirto dowlad kale oo awood u leh in ey hesho taageerada Washington DC oo aan shuruud ku xirneyn iyo cid kale oo eey darteed ugu il duufi karto dhamaan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dhulalkaba.
Dubai waxay sidoo kale ku xisaabtameysaa shabakadaha sirddonka Israel oo aad ugu hormarsan digniinaha dhacdooyinka ka hor, maadaama imaaraadka uu maalmihii danbe bartilmaameed u ahaa gantaalo iyo weeraro drones ah oo kaga imanayeen xoogaga ansarallah ee yemen, january 2022.
marka loo yimaado tele Aviv, joogisteeda mid kasta oo kamid ah wadama carabta waxa uu u yahay guul maadaama eey taageereyso qorshaheeda dhul balaarinta, hadii ey fadhi ka sameeystaan jaziirada abd al-kuri, israel waxa eey u fududeeyneysaa in ey xoojiso amnigeeda baddaha maadaama qiyaas ahaan 25 percentage oo kamid ah ganacsigeeda uu maro marinka baabul mandib, ujeedooyinka kale ee iskaashiga ciidan ee dhexmaraya israel iyo imaaraad ayaa noqon kara in ey u fududaato helista iyo sameeynta xog uruurin sirdoon, si ey ugu fududaato in ey howlgalo basaasnimo ah ka fuliyaan koonfurta badda carbeed iyo geeska africa.
markii uu socday dagaalki carabta iyo Israel 1973 dii, yemen oo kaashaneysa masar ayaa ka hor istaagtay maraakiibta Israel iyo taangiyadeeda in ey maraan baabul mandab, taas oo Israel ku keentay cawaaqib aad u xun, Israel waxa ey ku baraarugsantahay in eysan taasi dhicin mar labaad hadii uu dagaal qarxo.
qorshahaan ma shaqeeyn laheyn hadii ey xukunka haysan lahaayeen ansarallah iyo hogaamiyaheeda cabdil malik al xuthi si dhameystiran, maadaama ey xoogagani u arkaan Israel in ey tahay mid kamid ah cadowgeeda ugu weyn ee mandiqada. inkasto oo eey u muuqato suurtagalnimo aad u adag hadana hadii uu dagaalka soo gabagaboobo oo lagu heshiiyo dhexdhexaadinta uu sacuudiga ka wado sanca, ansarallah na ey la wareegto koonfurta yemen, waxa ey israel shaki la aan rahan uga dhigi doonaan in ey xanibaan maraakiibta Israel ee baabul mandab ka gudba markasto oo ey israel isku daydo in ey howlgalo guracan ka fuliso gobalka. waxaa xusid mudan in ansarallah ey dhow jeer oo hore handaad toos ah hawada u marisay Israel iyada oo ugu hanjabtay in ey duqeymo ka geysan doonto marka eey hesho hub awood iyo tiiro dheer leh .
waxaa sidoo kale jira weeraro badeed qarsan oo dhex mara israel iyo iiraan sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo lagu soo waramayay weeraro goog goos ah oo ey maraakiibta israel iyo iiraan isagu geeysaneeyn marino biyeedyada. joogista israel ee suqadhra ayaa ka saacidi doonta in ey tilaabo ku hormarto dagaalkeeeda biyaha ee kala dhaxeeya iiraan iyo sidoo kale in ey ka hor tagto weeraro kaka imaan kara ansarallah.
isku dhafka awoodaha ilaalinta badeed ee NATO
sida xogta lagu haayo majirto wax ku lug lahaansho toos ah oo uu mareynkanka ku leeyahay howlgalada imaraadka iyo Israel ey ka wadaan biyaha yemen balse waxaa xaqiiqo ah in mareynanku uu bad ilaaliye u ahaa boqortooyooyinka khaliijka carbeed mudo sanado ah, sidoo kale howlgalada huwanta NATO ay xaadir ku ahaa biyaha galbeedka aasiya tan iyo sanadkii 1983 - iyagoo ka fuliyay howlgalo ka dhan ah ciraaq iyo somalia.
isku dhafka ciidanka ilaalada badda ee NATO ayaa masuul ka ah sugida amniga afar qeeyb oo biyaha caalamka ah, badda cas, gacanka Persia, badda carbeed iyo gacnka cadmeed.
sidoo kale, loolanka dhaqaale ee adag ee uu mareynkanka kala kulmayo china ayaa Washington ku qasabtay in xoogeeda siyaaasadeed eey u weeciso aaga beri, wakiilna uga dhigato siyaasadaheeda ku aadan amniga galbeedka aasiya wadamada ey mandiqada taxaalufka kala yiiin.
tusaale, dhamaadkii December, howlgalada ilaalinta badda cas ee NATO waxaa lagu wareejiyay ciidamada bada ee masar oo uu ku wareejiyay maraykanka. marka taas loo fiiriyo imaaraadka oo taageero buuxda ka helaya israel waa musharaxa ugu cad cad ee NATO iyo mareykanku ba u wakiilan karaan ilaalinta badaha kale ee NATO masuulka ka tahay.
![]() |
| map ka ciidamada ilaalinta badaha ee NATO |
xasarada iiraan iyo sacuudiga ka dhex qarxi karta
is balaarin kasto oo eey Israel sameeyso waxa eey kacin kartaa iiraan, caksigana sidoo kale, taasi oo sababi karta in ey dhoowr meel oo mandiqada kamid ah isaga hor yimaadaan, si toos ah ama si dadban, si kastaba ha ahaatee joogista koonfurta yemen ee imaaraadka- oo ah wadanka labaad ee xiriirka ganacsi ee ugu xoogan la leh iiraan- ayaa xadidi karta khiyaaraadka tehran, waa hadiise iiraan eeysan ka dhadhamin wax dhibaato amni ku keeni kara is baheysiga Israel iyo carbta, inta ka horeeysa aad ayay u adagtahay in ey qaado tilaabo dhibaato u geysan karta ganacsiga eey la leedahay imaaraadka,
dagaalka yemen waxa uu dhaawac xoogan u geystay sumcada sacuudiga ee ah iney tahay wadan xoog badan maadaama sanadihii lasoo dhaafay dhamaan magaalooyinka sacuudiga ey bartilmaameed weerar u ahaayeen gantaalada ansarallah kuwaasi oo xataa burbur baaxad leh u geystay keydadka shidaalka ee sacuudiga.
waxa ey sumcad xumo iyo ceeb weyn ku aheyd sacuudiga oo ah wadanka ugu qanisan khaliijka carabta, sidoo kalena ah awooda milatari ee ugu tunka weyn in ey iska caabin waayaan xoogag falaago ah oo kasoo jeeda wadanka ugu faqrisan galbeedka aasiya, taas cagsigeeda, imaaraadka waxa uu ka faaiidey dagaalka yemen kuna balaariyay awoodiisa gobalka.
dhawaantan, waxaa jiray warar soo if baxayay oo sheegayay in uu jiro horumar laga sameeyay wada hadalada u socday sacuudiga iyo ansarallah, waxaana la filayaa in khilaafka labada dhinac lasoo afjaro inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan, balse caqabadaha heshiiskani ma yara, imaaradku waa ka maqanyahay wada hadalada labada dhinac balse waxaa hubaal ah in xoogaga gooni u goosad doonka ah imaaraadka taabacsan aaney ku qanceynin wax ka yar in lagu wareejiyo maamulida koonfurta yemen, taas oo heshiiskan caqabad weyn ku noqon karta, sidoo kale mareykanka waxaa looga bartay in uu laalo dhamaadka heshiis walbo oo la galo hadii uusan masaalixdiisa waafaqsaneyn.
xoreeynta jaziirada
marka la isku geeyo dhamaan loolanka ka jira jaziirada suqadhra, majirto cid eey ugu muhiimsantahay sida ey ugu muhiimsantahay yemen, oo ey ugu horeeyaan xoogagaga taagersan imaaraadka, kuwa taagersan sacuudiga iyo ansarallah oo ku tiirsan iiraan.
wareysigiisa ugu danbeeyay ee laga qaaday hogaamiyaha ansarallah ee cabdil malik al houthi, waxa uu ku sheegay in ey jabinayaan cadowga soo weeray wadankooda bad iyo beriba si eey u difaacdaan madax banaanida dalkooda, si ka duwan hogaamiyaasha kale, al xuuthi waxaa looga bartay in hadalkiisa uu ficil la socdo taas oo ka dhigan in ansarallah eysan ka laba labeyn doonin in ey weerar ku qaadaan saldhigyada milatari ee israel iyo imaaraadka doonayaan in ey ka hirgaliyaan suqadhra, sidoo kalena weeraraan maraakiibtooda hadii ey sii wadaan fulinta qorshahooda.
ansarallah waa kooxda ugu awooda badan ee hada yemen ka jirta iyagoo maamulo in kabadan 80% meelaha ey dadka degaan, dhanka kale golaha madaxweynayaasha ee uu sacuudiga taagero waa kuwa ugu dabacsan awood ahaan sedexda quwadod ee yeman ka taliya, waxaa sidoo kale awoodooda sii wiiqay heshiiski dhawaan ey galeen sacuudiga iyo iiraan, hadii uu heshiis hirgalo dhex maro sacuudiga iyo sanca, ururka golaha madaxweynayaasha oo 8 xubnood ka kooban waxaa kaliya oo u furnaan doona 2 khiyaar midkood: in ey hubka wareejiyaan ama in ey ku biiraan ansarallah.
dhanka kale xoogaga gooni u goosadka ah ee uu imaaraadka taageero ayaa walaac iyo cabsi ka qaba in kaligood meel cidla looga tago hadii labada dhinac ee kale heshiiyaan taas oo ku qasbi doonta in kaligood ey iska caabiyaan ansarallah.
su'asha hada taagan waxa ay tahay hadii uu jiri doono heshiis dhex mara sacuudiga iyo ansaarallah kaas oo eysan kujirin imaaraadka iyo kuwa la safan, hadii eey taasi dhacdo, waxaa hubaal ah in bartilmaameedka sanca toos indhaha ugu soo wada ridan doona imaaraadka iyo masaaliixdiisa yemen, sacuudiga mar hore ayuu ku xisaabtay suurtagalnimadan iyagoo isku dayaya in ey hormariyaan heshiiska iyaga iyo ansarallah u socda, dhacdadan hadii ey suurtagasho waxaa lama sugaan ah in sacuudiga teegeero u fidiyo imaaraadka waayo hadafyadii wadajirka ahaa eey yemen ka lahaayeen sanado ka hor ayuu dhamaaday.






Comments