Posts

Showing posts from April, 2023

dulmiga biyaha: qabsashada emaaraadka iyo israel ee jaziirada suqadhra

Image
loolanka jaziirada muhiimka ah ee suqadhra-yemen oo eey israel iyo imaaraadka doonayaan in ey ka dhigaan hoyga sirdoon milatari ayaa walaac weeyn ku abuurtay dhaqdhaqaaqa ansarallah iyo xulafadooda, iyagoo ka cabsi qaba in taasi ey kor usii qaado hardanka juqraafi siyaasaseed ee yemen. photo credit: the cradle jaziirada suqadhra oo ku taala koonfurta badda yemen ee jaziirada carbeed ayaa soo jiidaneysa indhaha iyo masaalixda caalamka maaadaama ey ku taalo mid kamid ah marinada ugu mashquulka badan ee shixnadaha caalamka. bishii june 21, 2020 waxaa jaziirada yemen awood milatari kula wareegay taxaalufka sacuudiga iyo imaaraadka- kuwaasi oo siyaasad ku dhisan ku takrifalid iyo awood kula wareegayay dekedaha galbeedka aasiya iyo geeska afrika tan iyo 1991 dii. marinadan isku tagtagy ayaa ka kooban afar jaziirad oo waaweyn oo kala ah socorta (3, 796 km square), abd al kuri (130.2 km s), samhah ( 39.6 km2), darsah (7.5 km2), iyo sedex jaziirad oo yaryar. suqadhra oo ah jaziirada ugu weeyn w...