Dhaqaalaha ma u baahanyahay taageerada dowlada
Marka ey jirto ama timaado dhibaate dhaqaale waxaa asal ah in raiyul caamka bulshada badanaa isku raacsanyahay in ey daruuri tahay in loo baahanyahay dowlad adag oo u dhaqaado iney wax ka qabato duruuftaa dhaqaale ee jirta ama markaa soo if baxday. Laakiin su aashu waxey tahay xaqiiqatan maloo baahanyahay taageeradaa dadku ku colcolaadiyaan, maxaase ka dhalan kara hadii la helo, suaalaha iyo kuwo la xariiro ayaaan jeclaan lahaa inaan ku gorfeeyo maqaalkaan.
Marka ey timaado mabaadi'da dhaqaale, mab'da 'classical liberalism' oo uu dhidibada u taagay aabaha dhaqaalaaha casriga (modern economy) Adam Smith, waxuu aaminsanaa marka ey timaado baaahida dowlad loo qabo, kaliya iney tahay sedex shaqo waxa looga baahanyahay. 1. Dhowrida nidaamka cadaalada ee bulshadu ku heshiisay, 2. Dhisida booliis nidaamkasi ilaaliyo iyo, 3. Dhisida milatary ka difaaca dalkaasi cid alaale cidii dibada uga soo xadgudubta, Adam Smith marnaba maso hadal qaadin arimo dhaqaale markey timaado shaqada looga baahanyahay dowlada.
Balse burburkii dhaqaale ee 1930's ku dhuftay dunida oo idil ayaa sabab u noqday in dib loogu laabto Smith iyo afkaarihisii, iyadoo ugu danbeyn ey ka dhalatay in dib loo cusbooneysiiyo afkaarihii Smith, oo ey dadka qaar iska dhaadhiciyeen in aan dowladi looga maarmin iney faraha la gasho dhaqaalaha, waxaa badalay "modern liberalism" oo uu hor kacayay lord John Maynard Keynes, oo isagu hadafkiisa ahaa inuu saameyn ku yeesho siyasada markaa taagneyd balse marnaba aanan ka fikirin cawaaqib xumada ka dhalan karta fikradiisa, keynes waxuu soo jeediyay in dhaqaalaha marka uu liito ama hoos u dhaco in dowladu faraha la gasho iyadoo isticmaaleysa" fiscal policy" si xaalada taagani markaa wax looga qabto,fikradiisi markaa wey shaqeysay oo waa looga soo baxay dhibatadi dhaqaale ee dunida kajirtay balse sida dhaqaalyaho badanbo filayeen marki horana ka digeen oo uu ugu horeeyay freidrich hayek waxaa sanado kadib fashil ku yimid fikradihii keynes oo waxey sabab u noqdeen "stagflation( wa shaqo la aan iyo sicir barar badan oo isla socda)" kii 1970's ka dhacay dunida, maadama keynes nooleyn xiligaa oo uu san xalin karin dhibaatadi uu horseeday waxaa xal in badan waaray keenay milton freidman, oo soo jeediyay in dhaqaalaha dowlada faraha ula gasho iyadoo adeegsaneysa monetary policy- koontarolida lacagaha suuqa kujiro iyo baahida lacageed ee bulshada" oo awoodeedu uu lahaa bankinga dhexe. Freidman fikiradiisi weey guuleystay iyadoo waliba ka nagaasho badneyd tii keynes oo fashilkeedi soo dag dagay. Labadooda ayaana lagu tiriyaa labada nin ee ugu saameynta badneyd dhaqaalaha qarnigii 20aad marka lagu daro hayek iyo Ludwig von mises oo iyagana dhan kale ahaa.
Balse xaqiiqda jirtaa ah in keynes iyo freidman labadaba ey sheeganayeen kuna abtirsaneyeen adam Smith iyo afkaarihiisi, mala dhihi aabahood wey khiyaaneen? Dabacan haa maadma ey ku qaadaceen asalka fikradiisa oo ahyd in dowladi gabigeedba faraha soo gashan arimaha dhaqaale ee bulshada. Keynes oo horeeyay isaga ismaba uusan weydiin maxaa sababay fashilkii dhaqaale ee 1930's ee durbadiiba waxu ku orday in uu xal u raadiyo. Waxyaabo badan baa loo sababeeyay fashilkaas oo ey ugu horeyso" invisible hand" oo nuxurkeeda ahaa aaminida in dhaqaalaha iskiis isku bixin karo, dadku waxey u arkeen in loo baahanyahy taageerada dhaqaale ee dowlada xiliyada dhibaataada, halka kuwa qaar u sababeeyen damaca ganacsatada waaweyn inuu sabab u ahaa" corporate greed" laakiin xaqiiqda jirtaa ah in sababtu ey ahyd isla fashil dowlada dhankeeda kayimid, tusaale oo kale freidman waxuu ku dooday in labadii quarter ee ka horeeysay fashilka intuusan dhicin in money supply ka- tirada lacgta guud ee dhaqaalaha ku fal galo, hoos u dhac ku yimid, dowladana siiba bankinga dhexe uu iska indha tiray inuu wax ka qabto, iyo taxane faragalin oo dowladu ey geeysatay fashilka ka hor oo isgau jiray( tariffs, quotas,) iyo taageero dhaqaale oo gooniya oo ey dowlada siisay shirkado gooni ah. Sidaa darteed xiligaa waxii ka danbeeyay waxaa marba marka ka danbeeyo sii badanayay faragalinta dowladaha ku hayeen dhaqaalaaha dadkooda, halka maanta aad arkeyso dowlada badan oo xoriyad dhaqaale sheegto in 30 ama 40 percentage dhaqaalaha dadkooda ey iyaga kantaroolan sida USA iyo UK. Taaso ka dhigan iney kusii dhawaanayan socialism-shuuciyad oo cid waliba ey ogtahay dhibaatadeeda. Taasna waxay kamid tahay sababaha dhaqaalaha ree galbeedka gabalkiisa usii dhacayo.
Taageerida ama faraglinta dhaqaalaha ee dowlada waa macquul iney faaido leedahay gaar ahaan "in the short run", laakiin waxaa hubaal ah in khasaaradeedu ka badantahay faaidadeeda, tusaale ahaan "economic inequality" ama sinaan la aanta dhaqaale waa mid kamid ah dhibaatoyinka dhaqaale ee ugu waaweyn dunida maanta, qiyaas ahaan laba kun oo billionaire ee dunida ku nool waxey ka hanti badnayihiin 4 billion oo qof oo dunida kula nool, mareykan oo kale 3 billionaire oo kaliya ka hanti badan kala bar dadka mareykanka ku nool oo idil, dadka ugu badan ee u olaleeyo maanta in wax laga qabto farqigaas dhaqaale ee baaxada weyn, taajiriinta iyo fuqarada u dhaxeeyo waa dowladaha, but the funny thing is, badanaa waxa sababta u ah fashil kaas waa isla dowladaha, sabatoo ah waxay taageero gooniya(special privileges) u fidiyaan shirkadaha ugu waweyn ee dhaqaalaha dunida koontaroola (multilateral corporations) waxa ey ka ilaalayaan tartan uga yimaada banaanka sidoo kale waxey u sameeyaan canshuur dhaaf badan, wa sabata ey hanti ahaan u xoogeytaan shirkadahaasi iyo shaqsiyaadka kooban ee ka shaqeeya, hadii "free market" toos ah oo dowlada faraha kula jirin lagu si dhaxdaayo waxaa hubaal ah ineysan heerkaasi hanti gaareen shirkadahasi, taariikhdu waxay marqaati ka tahay hadii suuqa xorta ah ey ku tartamaan shirkadaha dowlada ey taageerto iyo shirkado madax banaaan waxaa tartanka markasto looga adkaadaa kuwa dowlada taageerto, balse dhibka jiraa aha dowladaha iyagaa fara galiyo oo caqabadeeya suuqa xorta ah. Maxaa dhici kara makeey dowlada magangalyo siiso shirkado gooniya, dabacan waa "wealthy inequality baahsan oo bulshada dhaxdeeda ka dhasha, xisaabta ku darso shirkadaha multilateral corporations ka oo idil waxey haystaan shatiyo iyo sharciyo si gooniya dowladaha ugu ilaaliyaan!!! Did you feel the irony in here.
Taariikhda iyo dunida maantaba waxa kuwada cad in faragalin kasto oo dhaqaale oo dowlad ey sameeyso uu fashil ku dhamaado, tusaale ahaan shaqo la aanta baahsan ee madowga mareykana haysto waxaa sabab u ah laba arin, 1. Waxbarashadoda oo badanaa ey dowlada gacanta ku hayso, taaso sababta ineysan si fiican wax u baran maadama public schools ka dowlada leedahy waxbarashadooda aad ugu liidato waxbarshada private ka ah, 2. Minimum wage law- maadama sharcigan uu adkeynayo in la shaqaaleysiiyo dadka aqoontooda hooseyso, ogsoonow sharcigan waxaa soo rogo isla dowlada ,yaa marka dadka madow shaqo la aantooda sabab u ah, yaa hadana iska dhiga inuu xal u raadiyo, Waa isla Dowlada!!!. Intaas oo tusaale iyo in kasii badanba oo tusinaayo fashilka faragalinta dhaqale waxay xaqiiq kayihiin dunida kale ee dowladuhu aad faraha ula galaan dhaqaalaha dalkooda.
Somalia waxaa lagu tiriyaa meelaha cadeynta buuxda u ah in dhaqaalaaha is dhaqaajin karo dowlad la aan, daraaso uu hor kacayay Banjamin Powell oo ah dhaqaalyahan mareynkan ah, 2006 dii lasoo bandhigay, waxaa gunaanadka daraasada ahaa in dhaqaaalaha soomaliya uu aad uga hormar fiicnaa xiligii burburka marka lala bar bardhigo xiligii dowlada ey jirtay-oo dad badan ey aaminsanyihiin in Somalia xiligaa ugu barwaaqo badneyd, 42 wadan oo Africa ah oo daraasadda babardhig lagula sameeyay somalia ayaa ka hormar fiicneyd cabir kasta oo lagu cabiro horumarka dhaqaale marka laga reebo labo cabir oo kaliya, infant mortality- caruurta yaraanta ku dhimata iyo filashada nolasha(life expectancy) iyadoo wax nidaam dowladeed ah xataa uusan wadanak ka jrin markaa, sababta wax kale ma aheyn ee waa dhaqaalihii xabsiga kujiray xiligii dowlada oo xoroobay makrii danbe. Laakiin nasiib xumo Somalia kama jirto ilaa hada dowlad awood u leh iney kasoo baxdo waajibaadkeda asaasiga aha, sida sugidda amniga, ilaalinta cadaalada iyo musuqa la dagaalanka, taas oo aad u wiiqeysa horumar badna oo dhaqaale oo wadanka uu gaari lahaa.
Ugu danbeyn waan aaminsanahay in dowlad aan u baahanahay, laakin waxaan u baahanahay dowlad dhaqaalaha xorta ah dhiiro galiso laakin aan faraha gashan, dowlada dadka shaqaale(servant) u noqoto balse aan master u noqon, waa qawaaniinta dhaqaale asalka ah ee ey sax tahay in dhidibada loogu taago dowladadnimada curdunka ah ee Somalida, si khaladaadki hore aan dib loogu laaban. Waxaad arkeysaa dhalinta hada jirto badanaa iney dabin ugu jiraan in dictatorship- koontarool dowlad oo dhinac katsa ah oo kaliya Somalia lagu maamuli karo, waa fikrad khalad.
Comments